Puntland oo sheegtay inay si adag uga soo horjeedaan isku dayga dowladda Federaalka ee wax ka bedelka Dastuurka KMG ah.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdi Wahaab ayaa walaac looga muujiyay in Dowladda Federaalka ay sheegtay in ay doonayso in ay wax ka bedesho dastuurka KMG ee Soomaaliya oo haatan horyaalla Golaha labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir Wahaab waxa uu ka digay in falalkaasi ay soo dedejin karaan qalalaasaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee dalka ka dhaca, sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka oo qiray muhiimadda ay leedahay in wax laga beddelo dastuurka, ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in loo hoggaansamo “habraaca ku xusan cutubka 15-aad ee dastuurka”, isla markaana uu noqdo mid loo dhan yahay.

Hannaankan, ayuu ku nuux-nuuxsaday, inuu u baahan yahay is-afgarad iyo wadatashi buuxa, iyadoo la hubinayo in isbedellada lagu sameeyo si waafaqsan mabaadi’da loo dhan yahay iyo maamulka dimuqraadiga ah.

Wasiir Wahaab oo walaac xooggan ka muujiyay wax qabadyada dowladda Federaalka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Madaxweyne Xasan iyo maamulkiisa ay halis ugu jiraan in ay wax u dhimaan madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana ay iska indha tiraan is-afgaradkii adkaa ee ay gaareen shacabka Soomaaliyeed dhowr iyo toban sano oo xasillooni darro ah, sida uu hadalka u dhigay.

Wahaab ayaa xaqiijiyay in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga iyo dastuurka. Waxa uu ka digay in isku day kasta oo hal dhinac ah oo dowladda federaalka ay ku dooneyso in ay wax kaga bedesho dastuurka iyada oo aan loo marin hab sax ah “Puntland aysan aqoonsan doonin ama fulin doonin”.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed