Dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidamada difaaca Puntland iyo Daacish oo maanta ka afaafka laga galo togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad ayaa sababay khasaare kula duwan, ka dib markii Ciidamadu u daateen sida la sheegay godad ay ku dhuumanayeen xubno kooxda ah oo go’doon ku ahaa halkaasi.
Dagaalka oo si gaar ah uga dhacay Isha-Tabakar oo dhacda afaafka togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad ayaa Puntland ku sheegtay inay kala deegaanka, iyada oo carabowday inay ka taqalustay sida ay sheegtay xubnihii kooxda ee aaggaasi lagu weeraray.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda 6 dagaallame oo dhammaantood ah ajaanibta firxadka mileeshiyaadka Daacish ah lagu dilay dagaalka maanta, halka dhinaca ciidamada difaaca Puntland ay ka dhaawacmeen dhawr askari, sida aan ka soo xiganeyno ilo dhanka amaanka ah.
Xafiiska warbaahinta u qaabilsan hawlgalka ciidamada Puntland ee buuraha Calmiskaad oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ciidamadu hawlgal ka wadaan degaanka Isha-Tabakar ee togga Miiraale balse ma sheegin faahfaahin intaasi ka baxsan.
“Ciidanku wuxuu maanta hawlgal ka wada deegaannada u dhow Togga Miiraale, meelaha hawlgalku ka socdo waxaa ka mid ah deegaanka Isha Tabakar” ayuu yiri xafiiska warfaafinta hawlgalka ciidamada ee buuraha Calmiskaad oo qoraal soo saaray.
Dagaallada ka socda buuraha Calmiskaad oo ku dhawaad 4 bil ah la isku wajahay gobolka ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawacyo, halka koxda ay lumisay goobo badan oo Calmiskaad ah, taasi oo sababtay in Ciidamada Puntalnd guullo hor leh ka gaaraan dagaallada Bari ee Soomaaliya ka socda.
HBN ONLINE TV