Puntland oo shaacisay khasaaraha ka dhashay Shilalka deeganadooda

Maamulka Puntland oo shaaciyey Shilal ka dhacay 6-dii Bil u dambeysay aya sheegay in dhimasho iyo dhaawac ku dhawaad ay gaartay 150 ruux,ka dib Warbixin uu soo saaray Taliska Ciidanka ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka Dowlad-Goboleekaas.

Tirada shilalka ka dhacay deegaannada Puntland waa 800 sida lagu sheegay Warbixinta Taliska Ciidanka Ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaraya 45 qof halka ay ku dhaawacmeen 100 kale sida uu sheegay Gaashaanle Cabdifitaax Siciid Suleymaan.

Wadayaasha gaadiidka ayuu u diray Digniin ah in ay muujiyaan Feejignaan ay ku dheehan tahay mas’uuliyadda ka saaran in ay si degen oo mas’uuliyad leh u kaxeeyaan Gaadiidka si ay naftooda iyo tan dadka kale u badbaadiyaan.

Waxa uu iska fogeeyay in ay qayb ka yihiin shilalkaas dhacaya maadaama lagu eedeeyay in ay ka gaabiyeen mas’uuliyadda ka saaran xakamaynta isu socodka waddooyinka, hirgelinta nalalka samaanfaraha iyo in aanay jirin wacyigelin buuxda.

Shilalka ayaa inta badan loo sababeeyaa tayada Wadayaasha oo hooseysa, Burburka Waddooyinka, Xawaare xad-dhaaf ah oo ay ku kaxeeyaan iyo nalalka kala haga Gaadiidka oo aanay ka jirin waddooyinkaas.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed