Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 7 nin oo ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin waxa loogu yeero kooxaha argagixisada ah.
War kooban oo ka soo baxay Taliska Booliska Gobolka Nugaal ee maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku dhigeen 7 nin oo ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin kooxaha “argagixisada ah”.
“Ciidanka Booliska gobolka Nugaal ayaa gacanta ku dhigey 7 nin oo ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Kooxaha argagaxisada ah” ayaa lagu yiri warkaasi uu soo saaray Booliska Puntland.
Waxaa ay intaasi raaciyeen in saddex kamid ah 7 nin ee la qabtay ayaa loo gudbiyay xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe, balse midkood isku dayay in uu iridda xabsiga ka baxsado islamarkaana dhaawac uu soo gaaray.
“Waxa xabsiga dhexe ee Garowe maanta loo qaadey 3 kamid ah kooxdaas,halkaas waxaa marki la gaayey Iridda xabsiga isku dayey in uu baxsado mid kamid ah seddexda, waxaana so gaarey dhaawac” ayuu sii raaciyay qoraalka Booliska Puntland.
Maamulka Puntland ma sheegin xubnahan la qabtay kooxda sida rasmiga ay uga tirsanyihiin, inkasta oo deegaanada Puntland ay ku xoogan tahay Daacish-ta Soomaaliya ka dagaalama.
HBN ONLINE TV