Puntland ayaa sheegtay in ay isu diyaarinayso guluf dagaal ka dhan ah kooxaha loogu yeero argagixisada ee ku dhuumaalaysta buuraha Bari iyo Sanaag ee deegaannada maamulkaasi.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo maanta booqday Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad ayaa saraakiisha faray in la isu diyaariyo guluf lagu soo afjarayo kooxaha argagixisada ah ee deegaannadooda maamulkaasi ka dagaalamaya.
Deegaannada ay joogaan kooxaha Alshabaab iyo Daacish ayuu ku hanjabay in dhowaan ay gacantooda soo geli doonnaan, maadaama uu socdo abaabul xooggan oo ka dhan ah.
Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay Taliska 54-aad ayaa kooxaha argagixisada ah ku tilmaamay daanyeero buuraha saaran, islamarkaana waxa uu sheegay in ciidamada Puntland uga dabatagayaan buuraha.
“Ma jirto dhulkeenna meel cid aan Puntland ahayn xukunto marka laga reebo dhawr nin oo sida daanyeerada qarar saaran kuwaasina waxa uga daba-tagaynaa buuraha ciidamada Puntland” ayuu yiri madaxweyne Siciid Deni.
HBN ONLINE TV