Puntland oo awaamiir culus ka soo saartay in Qaad la keeno goobaha howlgalka Calmiskaad ka socdo

Taliska Ciidamada Difaaca Puntland oo soo saaray go’aanno adag ayaa ka mamnuucay in wax Qaad ah loo keeno ciidamada dagaalka ku jira ee Howlgalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Amarkaan oo si gaar ah loo duldhigay inay u hogaansamaan ganacsatada Jaadka ka ganacsada ayaa la faray in laga bilaabo maanta 11-ka bishan Maarso aanay wax Jaad ah keeni karin furimaha hore ee dagaalka, kaasi oo soconaya ilaa muddo 10 cisho ah.

Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Generaal Aadan Cabdi Xaashi oo soo saaray go’aankan ayaa sheegay in la joojiyay keenista Qaadka ee fadhiyaa ciidamada, gaar ahaan goobaha uu ka socdo Howlgalka ka dhanka ah Daacish, sababo amni darteedd.

Sidoo kale, Bayaanka ka soo baxay Ciidamada Puntland, gaar ahaan xafiiska Taliyaha Ciidamada Hilaac ayaa loogu digay dadka fariintaan ay ku socoto inay la kulmi karaan haddii awaamiirtaan ay jabiyaan ciqaab iyo ganaaxyo adag.

“Cidii jabisa awaamiirtan ka soo baxday taliska howlgalka Hilaac waxay la kulmaysaa ciqaab iyo ganaaxyo kala duwan” ayaa lagu yiri bayaanka Hilaac.

Goobo badan oo Soomaaliya ah waxaa ka dhaca sida caadada ah marka Ciidamada dowladda iyo kuwa maamullada ay dagaallo qaadaan in goobaha ay joogaan loogu geeyo Jaad, taaasi oo dadka amniga falanqeeya su’aalo badan ka keenaan, iyaga oo qaarkood ay ku doodayaan in tani ay wax u dhimi karto xogaha sirdoon ee Ciidamada dhexdooda ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed