PSF oo hanjabaad culus ka soo saaray isticmaalka garoonka diyaaradaha Boosaaaso

War qoraal ah oo ka soo baxay Ciidamada gaarka ah ee Puntland Security Force ee magacooda loo soo gaabiyo PSF ayaa lagu sheegay in maanta is hor istaag lagu sameeyay askar dhaawacyo kala duwan soo gaaray oo laga qaadi rabay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso, iyada oo shacabka iyo dadka aaggiisa faray in ay isaga baxaan.

Warka PSF ayaa lagu sheegay in aanay arrintaan ugub ahayn, isla markaana marar kala duwan ay dhacday, iyada oo tilmaameen in loo baahan yahay in la kala saaro adeegsiga Garoonka Boosaaso in uu yahay mid shakhsiyaad leeyihiin iyo mid guud ahaan loo siman yahay.

Nuxurka warqada ayaa lagu muujiyay digniin ku saabsan in dadka deggan agagaarka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso isaga guuraan, iyada oo aanay wax dheeraad ah la raacin.

“Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran clidamo gaar ah ama qoys gaar ah. Waxaana uga digeynaa dhammaan shacabka ku dhaw garoonka Boosaaso in ay isaga fogaadaan” ayaa lagu yiri warka PSF.

Warka ka soo baxay PSF ayaa lagu yiri

“Dhammaan duulimaadyada diyaaradaha waxaan uga digeynaa in ay isticmalaan garoonka diyaaradaha ila lagu soo celinaayo gacantii hore uuna nogon doono meel loo siman yahay oo muwaadiniintu wada isticmaali karto” ayey ku sheegeen warqada Ciidamada gaarka ah ee Puntland.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan hanjabaadan ka soo baxay ciidamada PSF & maamulka Puntland horey ugu dagaalameen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed