Jabahada ONLF ayaa sheegay in ay jiraan is bedelo kala duwan oo madax deegaanka ay wadaan iyo dhaqdhaqaaq lagu doonayo in lagu bedelayo Caasimadda iyo calanka deegaanka, taasi oo ay ku tilmaameen wax aan la aqbali karin.
Guddoomiyaha Jabhadda xoreynta Soomaali galbeed ayaa sheegay in ay maqalayaan in la badalayo Calanka deegaanka iyo sido kale Caasimadda Jigjiga, taasi oo ay cadeeyeen in ay tahay wax ka baxsan rabitaanka shacabka.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Mahdi ayaa sheegay in uu maqaalo ku hayo, qaarkoodna ay sida hadalka uu u dhigay ay ka dhawaajiyeen saraakiil ka mid ah maamulka Degaanka oo si maldahan u sheegay in degaanka soomaalida sadex meel lo qaybin doono. In laga bedelayo Calanka iyo magaca dawlad degaanka, halka Caasimadda Jigjiga loo wareejin doono sida uu carrabaabay magaalada Godey.
Cabdiraxmaan Mahdi ayaa arintaan ka muujiyey walaac badan ay ku hayaan, isaga oo hadalkiisa intaa ku daray in waxa socda ay dhamaan yihiin waxaan ku iman rabitaanka shacabka oo ay tahay kaliya qorshe ay wataan sida uu hadalka u dhigay dhawr qof ko awooda haya.
War kooban oo ay ku baahiyeen boggooda rasmiga ee X ayey ku sheegeen in raadinta Xuquuqda Shacabka Soomaaliyeed si ay u helaan aayo katashi dhab ah ay sii socon doonto, balse ma sheegin qaabka iyo nuuca ay ku raadi doonaan.
ONLF ayaa banaanka keentay saluugga ay ka qabto siyaasadda cusub ee deegaanka iyo tan Itoobiya, walow Jabhadda todobaadyadii ugu dambeyey ay soo saareysay baaqyo iyo fariimo toos ah oo ay ku diidadayeen dhaqaqaaqa sucub ee Addis Ababa.
HBN ONLINE TV