Golaha Shacabka oo ka doodaya maanta Mooshin ka dhan ah Canshuurta ay soo kordhisay Wasaaradda Maaliyadda

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay fadhi ay yeesheen kaga doodeen Mooshin ay saxiixeen tiro mudaneyaal ah oo dood ka qabay Canshuurta cusub ee Wasaaradda Maaliyadda soo rogtay.

Xildhibaannada qaar ee ka hor hadlay Golaha Shacabka ayaa sheegay in ganacsatada iyo shacabka Soomaliya bixiyaan canshuurta ku waajibtay balse laga qaado lacago sida hadalka u dhigeen ah mid sharciga daro, kuwaa oo dhinacyo kala duwan ay ku eedeeyeen in siyaaba kale gacantooda ugu dhacdo.

Dood dheer ka dib Xildhibaanada qaar ayaa ku dooday in canshuurtaan cusub in ay ku habbooneyd ka hor inta aan lasoo rogin in Wasaaradda Maaliyadda ay soo marsiiso Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, doodna laga galo, la islana meel dhigo waxa ku haboon canshuur, iyada oo lagu beeqaaminayo duruufaha dalka ka jira.

Xildhibaano qaar kale ayaa ku eedeeyey hay’adaha kale ee dowladda, qaaditaanka lacago aan gacanta dowladda soo galin, sida lacago laga qaado dad baasaboorada ajanabiga ah wata iyo in gudaha dekadda Muqdisho lagu qaado si hadalka u dhigeen dhowr qidmado lacago shaqsiyaad jeebkooda ku dhacda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in la qaado lacago, waxaana shalay oo maalinta koowaad aheyd qaybo ka mid ah dalka ka dhaqan galay lacagta canshuurta ee ay soo rogtay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed