Booliska Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku nin qirtay in uu dilay 42 haween ah oo ay ku jirto xaaskiisa, howsha dilalka ahne uu waday muddo laba sano ah.
Eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Collins Jomaisi Khalisia, oo 33 jir ah, waxa uu qirtay in uu dilka geystay laga soo bilaabo 2022-kii isaga oo sheegay in uu si gaar ah u bartilmaameedsanayay gabdhaha qurxoon, iyada oo Habla badan oo soomaaliyeed dhibaatooyin kala duwan loogu geystay dalka kenya.
Xariga ninkan ayaa ka dambeeyay kadib markii jimcihii la helay 9 meyd oo laga helay meel qashin qub ah oo ku taal magaalada Nairobi, waxaana si gaara ah ay arintaan u taabatay dadka deganka magaaladaasi oo ay ku jiraan shacabka Soomaalida ah.
Dhacdadan ayaa noqotay mid ay ragagax ku muujiyeen shacabka
HBN ONLINE TV