Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya Sulub Axmed Firiin, ayaa loo magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka, xilli shalay loo dalacsiiyay Darajada Sarreeye Gaas.
Wareegto ka soo baxday Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Sarreeye Gaas Sulub uu noqon doono Wasiirka ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista.
Sareeye Gaas Sulub ayaa hore u ahaa Taliyaha ciidamada booliiska oo loo magacaabay laba sano ka hor, ayaa waxaa bedelaya Asad Diyaano oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay deegaannada Puntland, isaga oo xilka ka soo qabtay ciidamada PSF ee maamulkaasi.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa shalay munaasabad ka dhacday xarruunta taliska booliiska darajada Sarreeye Gaas u dacsiiyey Sulun Axmed Firin, isaga oo sheegay in uu ku muteystay howlaha uu ka qabtay hoggaanka Booliiska.
HBN ONLINE TV