Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey Xeerka Dhismaha Xafiiska Amniga Qaranka oo ay Wasaaradda Amniga Guduha soo gudbisay.
Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga looga dhageystay warbixin ku saabsan amniga guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Golaha ayaa warbixin muhiim ah oo la xiriirta waxbarashada aas aasiga ah iyo midda sare ee ardayda Soomaaliyeed, waxa uu ka dhagaystay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan ayaa lagu ansixiyey Xeerka Dhismaha Xafiiska Amniga Qaranka oo ay Wasaaradda Amniga Guduha soo gudbisay, waxaaana inta u kulanku socday guddoominaayey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac.
Waxaa warbixinno looga dhageystay kulanka sisda oo kale Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga iyo Waxbarashada.
Wasaaradda Amniga oo ka hadashay howlaha sugida amniga, gaar ahaan deegaannada ka tirsan gobolada dalka oo todobadyadii ugu dambeeyey ay ka socdeen howlgalo ka dhan ahaa kooxda Alshabaab.
Dhanka kale, waxaa warbixin looga dhageystay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya, iyada oo ka warbixisay howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda dalka, iyada ugu dambeyn Goluhu warbixin la xiriirta waxbarashada aas aasiga ah iyo midda sare ee ardayda Soomaaliyeed ka dhagaystay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, taasi oo faah faahin dheeraad ah laga bixin.
HBN ONLINE TV