Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta safar ku gaaray magaalada Berbera ayaa ka hadlay dhowr qodob oo xasaasi oo ku saabsan xaalada gobolka iyo Somaliland, sida wadahadallada Turkigu garwadeenka ka yahay ee u dhaxeeya Soomaaliya & Itoobiya, mowqifka Somalialand ee midnimada Soomaaliweyn.
Muuse Biixi ayaa waa sida hadalka uu u dhigay wuxuu faragalin aan suurtagal ahayn ku tilmaamay soo jeedintii Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga Hakan Fidan uu ku sheegay in khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya uu ku dhamaan karo Itoobiya oo arrimaha badda kala hadasha Soomaaliya.
“Shalay waxa caalamka oo dhan ku soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo arrimaha Somaliland soo faragaliyay, oo Berbera soo faragaliyay iyo dakeddeeda, oo uu leeyahay Itoobiya Xasan Sheekh ha u soo marto, taasi waa gaf, Somaliland-na taa aqbali mayso” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in marnaba aysan dhici doonin in Somaliland looga taliyo magaalada Muqdisho waxaana uu yiri “Waa cadceedda oo galbeed ka soo baxda in Somaliland looga taliyo Xamar”.
Turkiga ayaa wada dadaal lagu heshiisinayo Soomaaliya & Itoobiya oo isku khilaafay damaca Addis Ababa ee ah in xeebaha gobolka Awdal ka hesho saldhig military taasi beddelkiina ay aqoonsi kala shaqeyso Somaliland, arinkaasi oo dawlada Soomaaliya ku sifeysay faragelin qaawan oo Itoobiya ku samaynayso midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV