Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu aqbalay natiijadii doorashada, isagoo caddeeyay in Cabdiraxmaan Cirro uu ku guuleystay madaxtinimada.
Madaxweyne Biixi waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweynaha la doortay, isaga oo u rajeeyay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro in uu guulaysto.
Biixi waxa uu khubadasiisa ku sheegay inay ka go’an tahay in si habsami leh oo nabad ah ula shaqeyn doono madaxweynaha dooran, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasiloonida iyo qiyamka dimuqraadiga ah ee Somaliland.
“Waxaan ballan qaadayaa in aan si buuxda u garab istaagi doono si habsami leh oo xilka loogu kala wareejiyo. Muddada aad xilka hayso nabad, horumar, iyo guul waarta ha u horseeda qarankeena aynu jecelnahay” ayuu yidhi Biixi.
Ku dhawaaqistan ayaa Somaliland u noqonaysa wakhti xasaasi ah, iyadoo goob-joogayaashu ay aad u ammaaneen doorashadii dhawaan dhacday.
HBN News Desk