Musharixiinta Puntland oo ku eedeeyay Siciid Deni inuu faragelin ku hayo soo xulista baarlamaanka

Musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni inuu khilaaf ka dhex abuurayo hannaanka odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xubnaha baarlamaanka soo socda.

War-saxaafadeed ay xalay soo saareen musharixiinta ayaa waxay ku sheegeen in faragelinta uu madaxweynuhu ku sameeyay howshan ay keeni karto khilaaf ka dhex dhasha odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaannada baarlamaanka.

Waxa ay sidoo kale guddiga ku eedeeyeen in ay kalsoonidii kala laabteen xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeeyaan madaxweyne Deni oo ay ku mashquulsan yihiin saami qeybsiga kuraasta baarlamaanka.

Musharixiinta ayaa ku nuux-nuux saday in 17-ka Xildhibaan ee ka soo jeeda SSC-Khaatumo aan la soo xuli doonin ilaa heshiis siyaasadeed laga gaaro Xukuumadda iyo Mucaaradka, ka hor 31-ka December.

Golaha Sare ee SSC-Khaatumo ayaa labo maalmood ka hor ku dhawaaqay in maamulka cusub ee SSC-Khaatumo uusan kasii mid ahaan doonin deegaanada Puntland ee Waqooyiga Soomaaliya.

Golaha ayaa diiday in lasoo xulo xildhibaano u diri doona baarlamaanka cusub ee gobolka, waxayna ka digeen in beelaha Dhulbahante laga soo xulo magaalooyinka. Waxa ay hoosta ka xariiqeen in dhamaan odayaashii saxiixay isla markaana ansixiyay xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay si wada jir ah u go’aansadeen in aan xildhibaan loo diri karin Puntland.

Go’aankan ayaa laga soo saaray shir ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka (Sool, Sanaag, iyo Cayn) ee loo yaqaan SSC-Khaatumo.

Doorashada Puntland ayaa loo mudeeyay 8-da Janaayo 2024.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed