Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland ayaa maanta guddoonsiiyey shahaadooyinka Musharixiinta Madaxweynaha iyo Ku xigeennada, si ay ugu diyaar noqdaan doorashada inagu soo aadan ee la filayo in ay dhacdo bisha November ee sannadkan 2024
Musharaxiinta seddexda Xisbi ee doorashada Soomaaliland ku hardami doona ayaa maanta la siiyey shahaadooyinka, waxaana ay kala yihiin Madaxweynaha hadda talada haya Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Cirro oo ka socda xisbiga mucaaradka ah ee Wadani iyo musharax Faysal Cali Waraabe oo Ucid u tartamaya.
Kuxigeennada madaxweynaha waxaa seddexda Xisbi u tartamaya, Xisbiga Kulmiye oo wata Maxamuud Xasan Sacad, Ucid oo Cabdirashiid Ducaale Diiriye ku matali doono iyo Maxamed Cali Aw Cabdi oo isna u ka socda Wadani.
Doorashooyinka Soomaaliland oo wax yar ka harsanyihiin ayaa la filayaa in qabsoonto sida uu u qorsheeyay Guddiga doorshooyinka 13-ka Bisha November ee 2024, waxaa xusid mudan in dhowr jeer oo hore ay dib u dhacday qabsoomiyadda doorashda madaxweyne ee Soomaaliland.
Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha talada haya ayaa Soomaaliland huggaaminayey tan iyo sanadkii 2017-kii, isaga oo kursiga ku fadhiya ku dhawaad todob sannadood.
HBN ONLINE TV