Mucaaradka Dowladda Soomaaliya oo eedeymo iyo dhaliilo adag u jeediyey madaxda dalka

Xubnaha Mucaaridka ku ah Dowladda Soomaaliya oo shir gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho oo looga arinsanayey sida ay sheegeen xaaladda Siyaasaadda ee dalka ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku xusay dhaliilo culus oo dhan ah madaxda DFS.

Qodobada ka soo baxay shirka oo labo maalmood ka socday magaalada Muqdisho ayaa xamabaarsanaa eedeymo iyo dhaliilo culus oo loo jeediyay xukuumadda dalka.

“Shirku wuxuu caddeynayaa haddii Madaxweynuhu ku adkeysto inuu doorasho qabto cid kastana waxay u madax banaan-tahay inay doorasho u gaar ah qabsato” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Sidoo kale, Bayaanka oo qodobo lagu durayo madaxweynaha dalka ay ku jireen ayaa lagu sheegay sida ay warka u dhigeen in uusan taakuleyn ciidamada Puntland, iyagoo cambaareeyey.

Inkasta oo ay badnaayeen eedaha mucaaradku ay u jeediyeen dowladda, hadane weli dowladdu wax jawaaab ah kama aysan bixin eeda kaga timid xubnaha mucaaradka ku ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed