Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Soomaaliya ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho kaasoo ka soo ambabaxay magaalada Laascaanood isla markaana u sii gudbi doona dalka dibadiisa, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay xafiiskiisa.
Safarka Hoggaamiyaha ayaa lagu tilmmaamay dardargelinta hawlaha mudnaanta u leh Maamulka SSC-Khaatumo oo ay ugu horreeyaan Arrimaha Maamul dhiska iyo wadashaqaynta Hey’adaha Caalamiga ah gaar ahaan hawlaha bini’aadannimada, xasilinta, iyo daadajinta adeegyada Dawliga ah.
Hoggaamiyaha ayaa kulamo la qaadan doona masuuliyiin kala duwan muddada uu ku guda jiro socdaal kiisan shaqo oo ah kii ugu horeeyay ee uu dalka dibaddiisa ugu baxo.
Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda hey’adaha kala duwan ee ay wadashaqayntu kala dhaxayso Maamulka.
HBN NEWS DESK