Maxuu yahay Hishiiska ay kala Saxiixdeen Soomaaliya iyo Mareykanka.

Muqdisho (Hbnonlinetv)- Dowladaha Soomaaliya iyo Markeykanka ayaa hishiis ku kala saxiixday Magaalada Muqdisho, hishiiskaan ayaa daba socday dhowr hishiis oo labada dowlad ay horey u galaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Larry Andre ayaa hishiiskaan kula saxiixday heshiis lagu tayaynayo ciidamada xoogga dalka, kuwaas dagaal xooggan kula jira kooxda Al-shabaab.

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa hoosta xariiqay muhiimada hishiiskaan uu leeyahay Ciidanka Soomaaliya, waxana uu sheegay in Markeykanka ay kaga mahad celinayaan sida joogtada ah ee uu u caawiya Soomaaliya.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka taageero dhanka Saanadda Ciidanka, iyo howlgaladda Cirka ee lagu bartilmaameedsado Al-shabaab, oo ay fuliyaan Ciidanka Nisa iyo kuwa Mareyrkanka.

Ciidanka danab  ee Soomaaliya ayaa kamid ah Ciidamada sida gaarka ah uu u tabanaro mareykanka, kuwaas oo lagu tiriyo kuwa ugu awooddo iyo Saannada Fiican Ciidamada.

hishiiskaan ayaa ku soo aadaya Xilli dagaal Xooggan oo ka dhan ah kooxda AS ah Soomaaliya kawada dalka.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed