Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa magaalada Nairobi uga bilowday shir muhiim ah oo looga hadlayo sidii Soomaaliya ay uga mid noqon lahayd hannaanka Ururkan. Hindisahani wuxuu daba socdaa ku biiritaanka Soomaaliya oo xubin buuxda ka ah EAC, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo la gaaray bishii Maarso ka dib markii uu dalku si rasmi ah u gudbiyay heshiiskii uu ugu biiray urur goboleedka.
Xoghayaha Guud ee EAC, ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay ka mid noqoshada Soomaaliya, iyadoo tilmaantay faa’iidooyinka ay u leedahay Soomaaliya iyo guud ahaan bulshada EAC. ” Gelida Soomaaliya ee Uuruka waxay furaysaa waddooyin cusub oo ay kaga qaybqaadan karto mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka, sida jidadka tareenada iyo shabakadaha tamarta, kuwaas oo muhiim u ah horumarka dhaqaalaha,” ayey tiri Xoghayaha Guud
Kulanka ayaa lagu qeexi doonaa qorshe-hawleed dhammaystiran oo faahfaahinaya hawlaha wada shaqayneed ee ay qabanayaan Soomaaliya iyo EAC. Hawlahan waxaa loogu talagalay in lagu wanaajiyo isdhexgalka iyo in la hubiyo in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’ideysato fursadaha ay bixiso xubinimadeeda.
Cabdisalaan Cumar Hadliye, Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Ururka, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dadaallada iskaashiga ah, isagoo hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ujeedooyinka EAC. “Soomaaliya waxay sii wadaysaa inay sii xoojiso go’aankeeda ku aaddan xaqiijinta himilooyinka Bulshada Bariga Afrika, taasoo horumarinaysa midnimada, barwaaqada, iyo nabadda gobolka oo dhan,” ayuu yiri
Kulanka Nairobi ayaa lagu sheegya mid astaan u ah tallaabo muhiim ah oo ku aaddan safarka Soomaaliya ee la-qabsiga qotoda dheer ee EAC. Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saari doonaa tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu waafajinayo siyaasadaha Soomaaliya iyo kuwa EAC. Tan waxaa ka mid ah horumarinta kaabayaasha, fududeynta ganacsiga, iyo iswaafajinta qaab-dhismeedka sharciyeed.
Natiijooyinka ka soo baxda kulankan waxa ay dajin doonaan wada shaqaynta mustaqbalka iyo mashaariicda wadajirka ah, taas oo xoojinaysa aragtida la wadaago ee bulshada Bariga Afrika oo midaysan oo barwaaqo ah.
HBN NEWS DESK