Maxkamadda Sare oo ayiday xukunka dilka Sayid Cali oo xaaskiisi gubay

Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa laashay racfaan ay ka qaateen Qareenadda Sayid Cali Macalim Daa’uud oo maxkamaddu ay ku heshay dambiga ah inuu gubay xaaskiisa isla markaana ay ku xukuntay dil qisaas ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo akhriyey go’aanka Maxkamadda sare ee dalka ayaa ayiday ama akhbalay go’aankii hore, kaasi oo ahaa dil toogasho ah.

Sayid Cali ayaa kiiskiisu soo maray seddex heer oo Maxakamadeeed, iyada oo mid walba xukun qisaas ah ku rideysay.

Ehelada marxuum Luul Cabdi Casiis ayaa sheegay in ay ku qanacsanyihiin xukunka maanta ay ku dhawaaqday Maxkamadda Sare ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed