Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida, ayaa xukun kasoo saartay Xidiglle Maxamed Xasan Maxamed oo loo heysto in uu dilay Ex-Xidiglle Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi oo milatariga ay kawada tirsanaayeen, falkaasi oo dhacay 12-kii May ee Sanadkaan 2024-ka.
Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa sheegay in uu codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 24-tii bishii May ee Sanadkaan, balse Xeer ilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.
Lixdii Bishaan August Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, iyada oo tilmaanay in waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.
Xidiglle Xoogga Maxamed Xasan Maxamed ayey Maxkamadda sare ku xukuntay in uu Bixiyo Boqol neef oo geel ah oo ah magta marxuum Ex Xidiglle Xoogga Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi iyo sida oo kale 2 Sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guute Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.
HBN ONLINE TV