Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya ayaa sheegtay in Xukun dil toogasho ah ku ridday Dable Booliis Cabdisamad Faarax Nuur oo ku magac dheer Minishiibiyo oo ku eedeysan in uu Dilay Saddex Alifle Xoogga Maxamed Xasan Maxamuud 11-Abriil 2024
Dilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Miisaanka Dhuxusha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaana uu Marxuumka uu la socday Mooto Bajaaj lagu hubinayay bar kontorool oo uu joogay eedeysanaha balse markii la baaray kaddib ay mootadu istaagtay meel aan ka fogayn goobta.
Warka ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu la sii raaciyey “Mootada ayaa la sheegay in ay sugaysay qof la socday oo ka hor intii baaristu ku socotay balse damacsanaa in uu sii raaco, Askariga Dilka Geystay ayaa u tagay Mootada oo ku amray in ay dhaqaaqdo kaddibna ku riday Xabbad madaxa uga dhacday Marxuumka sida hadalka loo dhigay”.
Kadib intaa waxaa ay sheegtay in kiiska ninkaan “loo gudbiyay dacwad la xiriira arrintaan iyada oo Xafiiska Xeer ilaallinta uu gudbiyay caddeymaha & marqaatiyaasha ay ku go’aan gaartay Maxkamaddu halka qareenkiisa uu difaacay eedeysanaha”.
Ugu dambeyn Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo katirsan Garsoorka Maxkamadda Derajada 1aad ee CQS ayaa ku dhawaaqay xukunka isagoo yiri ” Waxaa dil toogasho ah oo ah Qisaasta Saddex Alifle Xoogga Maxamed Xasan Maxamuud Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay Dable Booliis Cabdisamad Faarax Nuur Minishiibiyo sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo katirsan Garsoorka Maxkamadda Derajada 1aad ee CQS”.
Maxkamadda ayaa dhanka kale sheegatay in horay xukunno isugu jira Toogasho, Xabsi & Bixinta Mag ama diyo ku ridday Askar lagu eedeeyay in ay dilal u geysteen Dad Shacab ah iyo Askar kale oo katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka.
HBN ONLE TV