Maxkamadda ciidamada oo Xarardheera u gaartay xalinta dagaal ka dhacay

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta Galmudug Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan iyo saraakiil ka socda xafiiska Xeer ilaalinta ayaa tagay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, iyada oo u jeedka socdalkooda lagu sheegay xalinta dagaal ka dhacay magaalada oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha iyo saraakiil ka socda xafiiska Xeer ilaalinta ayaa marka hore kormeeray suuqa degmada Xarardheere oo shalay lagu dilay mid ka mid ah ganacsatada degmada, waxaan ay halkaasi ka wadaan baaris la xariirta sida uu u dhacay dagaalka.

Saraakiishan ayaa la filayaa in ay soo gudbi doonaan khasaaraha dagaalka inta uu gaarsiisanyahay iyo saameynta uu ku yeeshay dhaqdhaqaaqa magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Shalay waxaa magaalada Xarardheere ka dhacay dagaalka saacadaha qaatay oo u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawisleyda,waxaa la xaqiijiyey in hal qof uu ku dhintay iyo dhawaaca shan askari, isaga oo sababay in uu joogsado isku socodka magaalada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed