Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamadda Qalabka Sida ayaa maanta u fadhiisatay kiiska dacwadda ee loo heyso xubno ka tirsan Al-shabaab oo loo heysto in ay falal amni darro ka geysteen magaalada Muqdisho.
Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa sheegtay in Cabdiwali Cabdullaahi iyo Maxamed Nuur Maxamed ay ciidamada amniga ka soo qabteen degmada Wadajir, xilli ay ku howlanaayeen bambo tuuris.
Sidoo kale, xeer ilaalinta maxkamadda ayaa soo bandhigay eedaha labadan nin oo ay qeyb ka tahay howlo basaasnimo iyo in ay ku howlanaayeen dambiyo kale.
Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Cabdibaasid Madaale ayaa Maxkamadda ka codsay in raggaan lagu xukumo dil toogasho ah.
Dhinaca kale, Qareenada difaacayay eedeysaneyaasha ayaa waxaa ay maxkamadda Iyana ka codsadeen in dib xurnimada loo siiyo ragaan.
HBN ONLINE TV