Maxay yihiin Ciidmada xeebta ee Itoobiya u soo xirtay tababarka?

Dawladda Itoobiya ayaa shaacisay in tababar loo soo xiray askar boolis ah oo loogu talo galay in ay illaaliyaan xeebaha Itoobiya inkastoo aysan lahayn bad, arintan oo hadal wayn dhalisay.

Xafladda tababarka askartaan loogu soo xiray ayaa waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidamada Booliska Itoobiya Demelash Gebre michael isaga oo sheegay in ay ka hortagi doonaan weerar kasta oo ka dhaca sida uu hadalka u dhigay dibadda iyo gudahaba.

Ciidamada booliska ah ee loogu talo galay in ay illaaliyaan biyaha Itoobiya waxaa shaqadoda lagu sheegay in ay ka hor tegi doonaan dambiyada ka dhaca biyaha Itoobiya sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas. sida oo kale waxaa ay sheegtay in ciidamadan oo cutub cusub ah loo dhamaystiray agabkii ay ku hawlgeli lahaayeen.

Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn ayaa horey u lahaa ciidan kuwa badda ah oo la yiraahdo ciidamada badda Itoobiya, kuwaa dhoola tusyo maalmaha fantasiyaha dalkaasi la soo bandhigga.

Arinkan ayaa ku soo aaday ka dib heshiiskii is afgarad ahaa ee ay la gashay Somaliland, taasoo lagu siinayo masaafo dhan 20-km oo bad ah, inkastoo arintaasi caqabad wayn ay ka haysato diidmada dawlada Soomaaliya oo si adag uga hortimid.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed