Maxay tahay tilaabada Turkigu qaaday ee Midowga Yurub aad uga carooday.

Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyay dadaalka joogtada ah ee Turkiga oo xubin ka ah NATO uu ugu jiro in ku biiro ururka BRICS, waxaana la sheegay in Turkiga oo sidoo kale musharax u ah in uu ki biiro Midowga Yurub, ay ahayd in Ankara ay “ixtiraamto” waa sida hadalka u dhigay’e qiimaha Midowga Yurub yo siyaasadda arrimaha dibadda, inkastoo la qiray in Turkigu xor u yahay in uu ku biiro isbahaysiga ay doorataan.

Afhayeenka Midowga Yurub Peter Stano ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Brussels ka dib markii xisbiga haya talada Turkiga ee Caddaaladda iyo Horumarka uu xaqiijiyay in Ankara ay si rasmi ah u codsatay xubinnimada BRICS.
Stano ayaa sheegay in Turkigu uu xaq u leeyahay in uu doorto xulafada caalamiga ah ee uu ku biirayo. Si kastaba ha ahaatee, Turkiga ayaa weli ah musharax u taagan xubinnimada Midowga Yurub, ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo sheegay in ururku uu ka filayo murashaxiinta kale inay la wadaagaan qiyamkooda oo ay si buuxda ula jaan qaadaan siyaasadahooda dibadda.

Ankara waxay ku jirtay wada xaajoodyo ay ku doonayso inay ku biirto Midowga Yurub tan iyo 2005. Horumar laga gaaro wadahadallada ayaa gaabis ahaa, taasi oo ay ugu wacan tahay caqabado siyaasadeed oo ay abuureen qaar ka mid ah xubnaha EU-da iyagoo ku andacoonaya waxa ay ugu yeeraan, khaladaadka dimoqraadiyadda ee Turkiga.
Ankara ayaa u aragta sababaha hortaagan ka mid noqoshada Midowga Yurub caqabado aan la xiriirin ku habboonaanteeda xubinimada.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa marar badan ka digay in dalkiisa uu dhabarka xijin doono Midowga Yurub, isagoo ka falcelinaya Midowga Yurub oo muddo dheer ku guuldareystay inuu fuliyo ballanqaadkii ahaa inuu Ankara xubin ka noqdo.
Rabitaanka BRICS ee Turiga ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyada oo ay is khilaafeen xubnaha saaxiibada ah ee xulafada milatariga reer galbeedka ee uu Maraykanku hogaamiyo ee NATO, kuwaas oo isku khilaafay in ay xiriirka dhaw Turkigu la yeeshaan Ruushka ka dib hawlgalka milatari ee Moscow ka socda ee Ukraine.

Haddii la aqbalo, Turkigu wuxuu noqonayaa xubintii ugu horreysay ee NATO ee BRICS, taas oo loo arko inay tahay mid juqraafi ahaan ka soo horjeeda awoodda reer galbeedka iyo saameynta.

Dadka wax indha indheeya ayaa sheegaya in khilaafku uu sababay in Turkiga uu raadiyo xiriir wanagsan oo uu la yeesho Bariga, oo ay ku jirto ku biirista BRICS
taasoo u tarjumi doonta xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay Ruushka iyo Shiinaha.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed