Maxay tahay sababaha ay u baaqdeen diyaaradihii tagi jiray garoonka Boosaaso?

Wararka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa ku soo waramaa in maanta ay baaqdeen duulimaadyada diyaaradihii ku tagi lahaa garoonka diyaaradaha, iyada oo warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan sababaha keenay arintan iyo cida ka dambeysa.

Diyaaradaha Daalo Airlines iyo Ethiopian Airlines oo maanta ka baaqday safarkii ay ku tagi lahaayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Puntland waxay ku sifeeyeen faragelin ka timid sida hadalka ay u dhigeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland ayaa carrabka ku dhuftay in diyaaradahan ay Dowladda Soomaaliya ku wargelisay in aysan ka degi karin madaarka magaalada Boosaaso, sababo la xiriira xaalad amni.

Xog warbaahintu ka heshay dhanka Dawlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aysan waxba ka jirin eeda kaga timid maamulka Puntland ee la xiriirta diyaaradaha baaqday.

Maalinimadii arbacadii Ciidamada PSF ee Puntland ayaa digniin u diray diyaaradaha iyo dadka ku dhow garoonka magaalada Boosaaso sababo la xiriira khilaaf ay sheegeen in uu ka jiro isticmaalkooda garoonka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed