Maxay kawada hadleen Safiirka Turkiga iyo Qoor qoor?

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, isaga oo kala hadlay arimo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo qodobo kale.

War saxaafadeed uu soo saaray xafiiska madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa lagu sheegay in uu qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho Alper Aktas.

Inta uu socday kulanka labada masuul ayaa waxyaabaha la isla meel dhigay waxaa ka mid ah sida la sheegay in xaaladda guud ee dalka iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo sida oo kale taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha ee deedaannada Galmudug ee Turkiga.

“Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekadaha iyo Waddooyinka” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Madaxtooyada Galmudug.

Kulankan oo aan wax badan oo intaa dhaafsiisan laga ogeyn ayaa imaanaya, iyada oo dhawaan deegaannada Galmudug qaybo ka mid ah uu ka bilaaban doono baarista shidaalka ee uu Turkigu howsheeda gacanta kula jiro sida aan ka soo xigeyno wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar oo carrabaabay in balaayiin lakabyo gaas iyo shidaalka cayriin ah ceegaagaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed