Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi Axmed, ayaa qaabilay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Xiriiriyaha Arrimaha Bani’aadantinimada (DSRSG/RC/HC),George Conway. Kuwaas oo ka sheekeystay horumarinta iskaashiga, isuduwidda, iyo dadaalka wadajirka ah.
Kulanka ayaa looga hadlay dadaallada ballaaran ee ay wadaan kooxaha farsamada ee labada dhinac iyo dejinta istaraatiijiyad dhameystiran oo looga guurayo xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) loona gudbo qaab dhismeedka xafiiska Qaramada Midoobay, iyadoo ujeeddadu tahay in la dardargeliyo horumarka laga gaarayo barwaaqada, gaaritaanka yoolalka la rabo, iyo kobcinta horumar waara.
HBN NEWS DESK