Maxaa ka soo kordhay deegaannadii galbeedka gobolka Mudug ee ay ku dagaallameen maleeshiyaad kasoo jeeda Galmudug & Puntland

Wafdi ka kala socday Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleystay inay xabad joojin kala dhex dhigaan labo maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay deegaanno ku yaal galbeedka gobolka Mudug. Iska horimaadkan oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad ku dhow 50 qof, ayaa waxaa soo farageliyay maamullada gobolka.

Wafdiga ayaa maalin ka hor gaaray deegaannada colaadu ka taagan tahay, iyagoo sii maray deegaanka Saaxo-Quruun si ay u gaaraan duleedka magaalada Jiicboor oo si weyn loogu dagaallamay.

Wafdiga ayaa markii ay halkaasi gaareen waxa ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen madaxda maamullada gobollada Mudug, Puntland iyo Galmudug iyo sidoo kale saraakiisha ciidamada iyo waxgaradka deegaanka. Dadaalkoodu waxay xooga saareen sidii loo joojin lahaa colaada iyo joojinta dhiiga daadanaya ee halakeeyay bulshada gobolka.

Kulamadaas ka dib waxa ay ergadu ku guulaysteen in ay ku qanciyaan labada maleeshiyo in ay ku heshiiyaan xabad joojin iyo in ay ciidamadooda kala baxaan aagga ay colaaddu ka taagan tahay. Heshiiskan ayaa lagu tilmaamaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday soo celinta nabadda deegaanka.

Iyadoo nawaaxiga deegaanka Jiicboor ay aheyd goobihii ugu darnaa ee dagaalku ka dhacay, ayaa haddana waxaa weli socda xiisadda ka dhex aloosan bulshada ku dhaqan deegaankaasi. Si kastaba ha ahaatee, Dadaalka erga ayaa dhidibbada u taagay wadahadallada iyo dib-u-heshiisiinta joogtada ah, iyagoo rajo ka muujiyay in xal waara laga gaaro colaadda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed