Soomaaliya oo ka qeyb gashay kulamo looga hadlay qadiyadda Falastiin & duqeymaha Israa’iil ka waddo Gaza

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb gashay kulamo heer wasiirro ah oo looga hadlay qadiyadda Falastiin, xaaladda Gaza iyo duqeymaha Israa’iil ka waddo marinka Gaza, kuwaas oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa Dowladda ku metelay kalfadhigii 166-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta, kaas oo heer wasiirro ah, kana dhacay Qaahira, ahaane midka 1-aad ee golaha yeehseen.

Kulanka ayaa looga hadlay qadiyadda Falastiin iyo arrimaha la xiriira nabadda, amniga iyo iskaashiga gobolka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray xaaladda shacabka Falastiin oo wajahaya xaalad adag, iyada oo Israa’iil ku heyso duqeymo joogta ah oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac hor leh oo ka socda dhulka Falastiiniyinta.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay kulankii 11-aad ee Guddiga Wasiirrada Carabta ee qaabilsan tallaabooyinka sharci-darrada ah ee Israa’iil ka waddo Qudus-ta la haysto. Dhinacyada ayaa ka dooday xad-gudubyada aan dhamaadka lahayn ee Israa’iil ku heyso rayidka barakacayaasha ah ee sida maalinlaha ah loogu “aar-goofayo” duqeymaha aan kala sooca lahayn.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in intii lagu gudaha jiray kulamadaasi ay ku caddeysay taageerada ay u hayso shacabka Falastiin, iyadoo sidoo kale muujisay sida ay uga go’an tahay in ay qayb ka noqoto dadaallada wadajirka ah ee dalalka Carabta iyo kuwa caalamka ee lagu taageerayo qadiyadda Falastiin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed