Israel oo Somaliland ku dartay meelaha looga digay muwaadiniinteeda in aysan noqan xilliga fasaxyada Yuhuudda

Golaha Amniga Qaranka Israel ayaa Somaliland ku daray meelaha uu muwaadiniintooda uga digay inay u safraan, sababo la xiriira waxa uu ku tilmaamay khataro amni iyo suurtagalnimada weerarro ka dhan ah Israa’iiliyiinta iyo Yuhuudda ku sugan dibadda, sida uu daabacay wargeyska The Times of Israa’iil.

Digniintan oo la cusbooneysiiyay ka hor fasaxyada Yuhuudda ee Rosh Hashanah iyo Sukkot, ayaa sidoo kale lagu xusay dalal ay ka mid yihiin Iiraan, Suuriya, Lubnaan, Ciraaq, Yemen, Masar iyo Urdun.

Golaha ayaa sheegay in Iiraan iyo kooxaha ay xulafada yihiin, oo ay ku jiraan Xamaas iyo Xisbullah, iyo sidoo kale Daacish iyo Al-Qaacida, ay weli doonayaan inay bartilmaameedsadaan Israa’iiliyiinta iyo Yuhuudda caalamka.

Sidoo kale, Goluhu wuxuu ka digay in 7-da Oktoobar, oo ku beegan sannad-guuradii 3-aad ee weerarkii Xamaas ee Israel, ay dhici karaan dibadbaxyo rabshado wata ama isku-dayo weerarro.

Muwaadiniinta Israel ayaa lagula taliyay inay taxaddar muujiyaan, kana fogaadaan soo bandhigidda astaamaha Israel ama Yuhuudda marka ay joogaan goobaha lagu qiimeeyay heerka saddexaad ee khatarta.

Digniintu waxay sidoo kale tilmaantay kororka weerarrada ay geystaan shaqsiyaad keligood ah iyo hadallada ka dhanka ah Israel ee internetka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed