Maxaa ka jira in maanta hakad ku yimid duulimaadyada diyaaradaha Muqdisho iyo Baydhabo

Aroornimadii hore ee saaka ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in hakad ku yimid duulimaadka diyaaradah isaga kala goosha Muqdisho & Baydabo, ka dib markii dad ka dhoofi lahaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ku sii jeeday Baydhabo ay halkaasi ku xayirnaayeen muddo.

Qaar ka mid ah dadka ayaa sheegay inay ku xayirmeen Garoomada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho inkastoo aysan sheegin sababta ka dambeysay dib u dhaca duulimaadkooda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha dib u dhaca diyaarada ay ugu wacan tahay khilaafka ka dhex aloosan Dawada Federaalka & Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed inkastoo illaa aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa beeniyay warar warbaahinta qaar laga baahiyay oo ku aadanaa in diyaarada ku socotay magaalada Baydhabo la xanibay, iyagoo sheegay in diyaaradaasi ay sidii caadiga ahayd ugu duushay halkii ay ku socotay oo aysan jirin wax duulimaad ah oo la baajiyay.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed