Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo muujinaya dhaqdhaqaaqyo ciidan oo Itoobiya ka wado xadka Soomaaliya, iyadoo saraakiil sar sar oo ka mid ah hoggaanka ciidamada dalkaasi ay soo gaareen deegaanka Feerfeer.
Dad xog ogaal ah oo la halday HBN Online TV ayaa sababta tagitaanka abaanduulaha ciidamada Itoobiya Burhanu Julla & Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaaliya Mustafe Cagjar ay u tageen magaalada Feerfeer ku sheegay in ay tahay sidii ay uga qayb gali lahaayeen munaasabad soo dhaweyn oo loo sameeyay ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ahaa hawlgalka ATMIS ee Soomaaliya oo dhawaan dib ugu laabtay dalkooda, taasi oo qayb ka ah qorshaha bixitaanka ciidamada Midowga Afrika.
Dhinaca kale ilo wareedka aynu la hadalnay ayaa inoo sheegeen in uu jiro dhaqdhaqaaqa muddooyinkan ay wadeen ciidamada Itoobiya, iyada oo ciidamo kumanyaal kun ah saldhigyo looga sameeyay deeganno ku yaal xadka Soomaaliya & Itoobiya.
Sidoo kale garoonka ciidamada cirka ee magaalada Godey oo dhawaan la dayactiray ayaa dhaqdhaqaaqa laga dareemayaa halkaasi oo dhawaan uu booqday Ra’isalwasaare Abiy Axmed.
Sida ay ku warramayso warbaahinta gudaha, dowladda Itoobiya ayaa wada dib u howlgelinta saldhigyadeeda ciidamada kala duwan aagaasi xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda Itoobiya & Soomaaliya.
Talaabadan ayaa ku soo aadeysa ka dib laba maalin ka hor, iyada oo uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya, sida oo kalana maalin ka dib Heshiiska iskaashiga dhanka difaaca & ammaanka ah oo dhex maray Soomaliya iyo Masar.
Toddobaadkii hore Masar waxay shaacisay inay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya ka hawlgalaya horaanta sanadkan dambe, iyadoo Dawlada Soomaaliya ay si cad u sheegtay in Itoobiya aysan qayb ka noqon doonin hawlgalkan ilaa iyo inta Itoobiya wado ku xadgudubka madaxbannaanida & qarannimada Soomaaliya.
HBN ONLINE TV