Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga halkaasi oo lagu wado in lagu qabto wajiga labaad ee awada hadalada u dhaxeeya dhinacyada Muqdisho iyo Addis Ababa, si xal looga gaaro khilaafka sanadka ku dhow ee u dhaxeeya.
Soomaaliya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Macallin Fiqi ayaa shalay gaaray Turkiga, ka dib casuumad rasmi ah oo ay ka heleen xukuumadda Ankara, iyagoo matalaya Soomaaliya, kana qeybgeili doonaan wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaas oo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga.
Dhanka kale Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo qadk Taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa uu uga mahad celiyey dedaalkiisa uu ugu jiro sidii loo xallin lahaa xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya.
Abiy Axmed ayaa carrabka ku adkeeyey ka go’naanta dawladdiisu Bad u hesho dadkiisa oo 120 milyan kor u dhaafaya, iyada oo taasna uu carabaabay in uu kala kaashan doono Muqdisho.
Wadahadalkan ayaa lagu wadaa in uu magaalada Ankara ay ka furmaan biri oo Isniinta ah ee 12 August, 2024, kaasi oo seddex todobaad horey looga soo dhigey waqtigii hore ee lagu ballansanaa in la qabto.
HBN ONLINE TV