Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Xubnaha wehliya waxaa ka mid ah Wasiirka amniga Jeneraal Yuusuf Xuseen Dhuumaal, Gudoomiyaha degmada Maxamed xuseen Cabdi Lafay iyo masuuliyiin kale.
Jubbaland ayaa sheegtay inta uu sugan yahay Madaxweyne ku xigeenka 1-aad degmada ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doona sida hadal ay u dhigeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta gobolka.
Dhanka kale, gobolka waxaa ku sugan masuuliyiyiin uu huggaaminayo Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa la sheegay in uu dhankiisa kulamo la qaadan doono masuuliyiinta degmada iyo gobolka.
Wasiirka oo ku sugan wax ka badan 48 saac gobolka ayaa kormeerey dugsiga tababarka ciidamada degmada Garbahaarey, halkaasi oo la tilmaamay in lagu carbinayo dhallinyaro ciidanka ku biireysa.
Jubbaland ayaa gobolka ka bedeshay Duqii hore oo sheegay in uusan aqoonaneyn madaxweynaha cusub ee dib loo doortay, iyada oo Maxamed Xuseen Isaaq u Magacawday.
Inkasta oo masaafo galin socdaalkeedu qaado karo isu jiraan labada wafdi, hadana waxaa su’aal dul hoganeysaa qaabka labada dafar ay wax ku doonayaan
HBN ONLINE TV