Masuuliyiinta ka socday howlgalka AUSSOM oo sheegay in Ciidamada Itoobiya iyo Jabuuti ay dhul badan ka saareen Alshabaab gobolka Hiiraan

Taliyaha Qayba 4-aad ee AUSSOM Gaashaanle Sare Said Waberi iyo Ku Xigeenkiisa Gaashaanle Sare Shumet Telelew oo gaaray Saldhigga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaaa la kulmay saraakiil ka tirsan Guutada Ciidanka Itoobiya ee AUSSOM, iyaga oo kala hadlay dagallo ka dhan Alshabaab iyo arimaha amniga.

Kulanka saraakiisha AUSSOM ayaa nuxurka ka soo baxay lagu sheegay in lagu inay Ciidamada Itoobiya ee howlgalka qeybta ah ay balanqaadeen in sare loo qaado hawlgallada milatari ee wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolka ka socda.

Sidoo kale, taliyaha qeyba ee howlgalka Midowga Afrika Waberi ayaa sheegay ciidamada Itoobiya iyo Jabuuti ay dib u qabsadeen dhul markii hore ku jiray gacanta kooxda Alshabaab ee deegaannada Halgan iyo Buuloburte, isaga oo ku ammaanay doorkooda ku aadan ee howlgallada socda.

“Ciidanka Itoobiya iyo Jabuuti ee AUSSOM ayaa sii wada inay ka taageeraan Dowladda Soomaaliya & ciidanka deegaanka ee la dagaallanka Al-Shabaab iyo xaqiijnta xasilinta gobolka” ayaa lagu yiri bayaanka AUSSOM.

Dowladda Soomaaliya oo warar hore ka soo saartay dagaallada ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa sheegtay in Ciidamadeeda iyo kuwa deegaanka inay Alshabaab ka qabsadeen deegaanno badan oo dhaca jiinka Webi Shabeelle. Bayaannada dowladda ayaa lagu xusay in ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ay dagaalka kula jireen kuwa Jabuuti.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed