Xukuumadda Soomaaliya oo ansixiyay xubnaha magacaabista Golaha Sare ee Garsoor

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay afar xubnood oo magacaabis ku noqonaya Golaha Sare ee Garsoorka, kadib soo jeedin ay gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid lagu hirgelinayo qodobka 145-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya ee 2026.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa cod aqlabiyad ah lagu meel mariyay magacaabista laba qareen sare iyo laba xeeldheere sharci, kuwaas oo muddo 5 sano ah ka mid noqon doona Golaha Sare ee Garsoorka, marka la soo dhammaystiro habraacyada ansixintooda.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah Maxamed-deeq Macallin Aadan, Maryan Sheekh Cismaan, Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil iyo Cabdiqaadir Cali Macallin.

Golaha Sare ee Garsoorka ayaa sidoo kale ka kooban xubno xilalkooda ku imanaya si toos ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqda Aadanaha.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Golaha Tacliinta Sare, iyadoo xilkaas loo magacaabay Maxamuud Axmed Jimcaale.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, heshiis iskaashi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Cummaan oo ku saabsan gaadiidka cirka, iyo Axdiga Dhallinyarada Afrika oo lagu xoojinayo ka qaybgalka dhallinyarada ee go’aan qaadashada siyaasadeed iyo horumarinta doorkooda guud ahaan qaaradda Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed