Shil sababay dhimasho iyo dhawaac oo ka dhacay gobolka Soomaalida

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gaari oo ka dhacay deegaanka Kudunbuur ee Gobolka Qoraxey, Dowlad Deegaanka Soomaalida, kaas oo sababay dhimashada 1 qof iyo dhaawaca qof kale.

Shilka ayaa la soo wariyey inuu ka dashay gaari nooca ProBox ah oo siday jaad, xilli uu marayay deegaanka Kudunbuur. Gaadiidka qaada jaadka ayaa muddooyinkii dambe si isdaba joog ah ugu lug lahaa shilal sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Dadka deegaanka ayaa inta badan ku eedeeya darawallada inay ku socdaan xawaare sare, taasi oo sare u qaadda halista shilalka, iyaga oo ku baaqay in la adkeeyo ilaalinta shuruucda waddooyinka iyo xakameynta xawaaraha gaadiidka si loo yareeyo khasaaraha.

Shilkan ayaa noqonaya kii labaad ee bishan July ka dhaca Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyadoo toddobaadkan gudihiisa ay ugu yaraan 13 qof, oo 12 ka mid ah ay ka soo wada jeedeen hal qoys ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay deegaanka Guuyoow ee degmada Qabri-bayax.

Shilkaas ayaa dhacay kadib markii uu isku dhacay gaari jaad siday iyo mooto bajaaj. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale, kuwaas oo qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo culus.

Murugada dhacdadaasi ayaa sii korortay markii iyada oo aas wadareed loo sameynayay dadkii ku dhintay shilka uu dumay god xabaal ah oo la qodayay, waxaana halkaasi ku dhintay 3 ruux iyo dhaawaca ku dhowaad 10 kale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed