Dowladda Masar ayaa u diyaargaroweysa inay ciidamo hawada iyo badda uga soo dirto Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgal cusub ee Midowga Afrika ah oo lagula dagaalamayo kooxda Alshabaab.
Tallaabadan oo ay Soomaaliya dalbatay waxay beddeleysaa ciidamada Itoobiya ee hore uga tirsanaa howlgalkaas, waxaana loo arkaa ballaarin muhiim ah oo Masar ay ku sameyneyso joogitaankeeda milateri ee Geeska Afrika.
Khubaradu waxay u arkaan xeeladaan mid muhiim ah oo ku aaddan muranka muddada dheer ee ka dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan mashruuca biyo-xireenka webiga Niilka, kaas oo Qaahira u aragto khatar amniga oo biyaha dalka ah.
Hawlgalkaas cusub wuxuu daba socdaa heshiis iskaashi milateri oo sanadkan dhexmaray Masar iyo Soomaaliya dhexmaray, kaas oo ciidamada Masar ay ku talo jiraan inay la-taliye ahaan ugu adeegaan ciidamada ammaanka Soomaaliya, isla markaana ay ilaaliyaan madaxda dalka iyo xarumaha muhiimka ah ee dowladda.
Go’aan ayaa yimid ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay howlgalka cusub, iyada oo inta badan xubnaha goluhu ay u codeeyeen, marka laga reebo Maraykanka oo ka aamusay arrimo la xiriira miisaaniyadda.
Wadahadallo dhawaan ka dhacay Qaahira, wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar iyo Soomaaliya waxay mar kale xaqiijiyeen iskaashigooda ku aaddan nabadda iyo xasilinta Soomaaliya, iyada oo laga hortagayo khataraha amniga ee gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka heshay hub aad u badan Masar, ka dib markii magaalada Muqdisho uu ku soo xirtay dhamaadkii bishii Sebtember ee aan soo dhaafnay Markab gaar ah oo dalkaasi uga keenay saanad ciidan oo nuucyo kala duwan aheyd.
HBN ONLINE TV