Mareykanka oo si adag uga hadlay ciidamada Kuuriyada Waqooyi ee ka dagaalamaya Ukraine.

Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ee The Pentagon-ka ayaa shaacisay in Kuuriyada Woqooyi ay u dirtay ku dhawaad 10,000 oo askari bariga Ruushka si ay ula dagaalamaan Ukraine “dhowrka toddobaad ee soo socda.

“Waxaan aragnay wax muujinaya in ciidamada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kuuriya ay bilaabeen inay yimaadaan galbeedka Ruushka”.
“Waxaan rumeysannahay in Kuuriyada Waqooyi ay u dirtay ku dhawaad 10,000 oo askari guud ahaan si ay ugu tababartaan bariga Ruushka, taasoo laga yaabo inay kordhiyaan weerarada ciidamada Ruushka ee Ukraine dhowrka toddobaad ee soo socda,” sidaasi waxaa tiri ku xigeenka xoghayaha saxaafadda Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka Sabrina Singh oo suxufiyiinta la hadlaysay.

Sabrina ayaa sheegtay in qayb ka mid ah askarta Waqooyiga Kuuriya ay mar horeba gaareen Ukraine, waxaana intaasi ay raacisay in Mareykanku aad uga walaacsan yahay” in Ruushku uu doonayo inuu u isticmaalo askartan dagaalka ama uu ku taageero hawlgallada dagaalka ee ka dhanka ah ciidamada Ukraine ee gobolka Kursk ee Ruushka ee u dhow xadka Ukraine.

Waxay diiday inay xaqiijiso in ciidamada Waqooyiga Kuuriya ay hore ugu sugnaayeen Kursk, iyadoo tiri “waxay u badan tahay inay u socdaan jihadaas Kursk Laakiin weli ma hayo tafaasiil dheeraad ah.”

Xoghayaha guud ee NATO Mark Rutte ayaa goor hore oo isniintii ah xaqiijiyay in qaar ka mid ah ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay mar horeba gaareen gobolka Kursk, isaga oo ku tilmaamay arintaasi wax uu ugu yeeray “ballaarinta khatarta ah” ee iskahorimaadka.

Rutte waxa uu sheegay in ciidamada Kuuriyada Waqooyi u dirayso Kursk ay astaan u tahay wax uu ku sifeeyay “Niyad-jabka sii kordhaya” ee Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Waxaana uu sidoo kale ugu baaqay Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi in ay si degdeg ah u joojiyaan falalkan.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed