Labada askari oo kamid ciidamada badda Mareykanka kuwaasoo lagu waayay xeebaha Soomaaliya 11-kii bishii Janaayo ayaa dhintay, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka, kadib baaritaan socday muddo 10 maalmood ah.
“Waxaan aad uga xunnahay inaan ku dhawaaqno in baaritaan dheer oo socday 10-maalmood kaddib, aan la helin labadii askari ee la la’aa ee Navy SEAL-ka Mareykanka ah, laguna daray liiska kuwo dhintay,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka . ”
Laba badmaax ayaa fuulay markab ay ku baadigoobayeen hub sharci darro ah oo Iran laga leeyahay, mid ka mid ah ayaa ku dhacay biyaha, halka la sheegay in ka kale uu ka daba booday, sidaasi waxaa soo wariyay warbaahinta CNN ee dalka Mareykanka.
HBN NEWS DESK