Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya u fadhiya Richard Riley ayaa sheegay “inaan wax leexsanayn” siyaasadda Washington ee taageerada madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya oo leh xuduudihii 1960-kii.
Riley wuxuu carrabka ku adkeeyay in Mareykanka uu diyaar u yahay inay fududeeyaan xiriirka wanaagsan ee Hargeysa iyo Muqdisho.
Waxa kale oo uu ku baaqay in si nabad ah lagu dhameeyo colaadda ka soo cusboonaatay Somaliland iyo SSC-Khaatumo, isaga oo ku baaqay in la wadahadlo oo xasilloonida gobolka laga shaqeeyo.
Sida oo kale Is-afgaradkii muranka dhaliyay ee Abiy Axmed la galay Somaliland, ayuu ka dhawaajiyay walaaca laga qabo in uu saamaynta ku yeelan karo heshiiska xaaladda geeska iyo amniga gobolka.
HBN ONLINE TV