Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Kuuriyada Koonfureed oo la amray in la soo xiro

Maxkamad ku taalla Kuuriyada Koonfureed ayaa soo saartay amar lagu soo xiro madaxweynihii xilka laga qaaday ee dalkaasi Yoon Suk Yool, sida ay maanta sheegeen baarayaashu, arrintaas oo la xiriirta isku daygiisii fashilmay ee bishan horaanteedii uu ku doonayay inuu ku soo rogo xukun degdeg ah dalka.

Bayaan kasoo baxay kooxda wadajirka ah ee baaritaanka, oo ay ku jiraan Xafiiska La-dagaallanka Musuqmaasuqa, booliska iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa lagu sheegay in amarka baarista iyo soo qabashada Madaxweyne Yoon Suk Yool ee ay codsadeen la soo saaray maanta, iyadoo ay soo saartay Maxkamadda Degmada Galbeedka Seoul (SIYOOL)
“Waqti go’an looma qaban tallaabooyinka xiga,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waa markii ugu horraysay ee taariikhda Kuuriyada Koonfureed tallaabo sharci ah oo noocan oo kale ah laga qaado madaxweyne xilka haya, iyadoo Yoon Suk Yool uu weli si rasmi ah u hayo xilka inta laga sugayo go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ee ku saabsan xil ka qaadistiisi uu baarlamaanku ku sameeyey 14-kii bishan December, markaasi oo mooshin xil ka xayuubin ah lagu sameeyay.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynuhu hadda shaqada laga hakiyay, waxaana la filayaa in Maxkamadda Dastuuriga ay xaqiijiso ama buriso xil ka qaadistiisa bartamaha Juun.
Yoon ayaa dalka ka yaabiyay saddexdii Diseembar markaas oo uu ku dhawaaqay xukun degdeg ah isagoo ciidan u diray baarlamaanka.

Hase yeeshee, waxaa lagu khasbay inuu go’aankaasi ka noqdo dhowr saacadood gudahood kadib cadaadis uga yimid xildhibaannada iyo kumanaan dibadbaxayaal ah.
Yoon, oo 64 jir ah oo hore u ahaa xeer ilaaliye, ayaa saddex jeer diiday inuu hortago baarayaasha si su’aalo loo weydiiyo, taasoo keentay in ugu dambeyn ka soo saaro amarka soo qabasho.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed