Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisu aysan diidanayn doonista Itoobiya ee ku aaddan soo gelista badda, balse ay ka soo horjeedaan qaabka ama hannaanka ay Itoobiya u mareyso baahideeda badeed ee ay u qabto xeebaha Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa Digniin culus u diray Itoobiya waxaa uuna hoosta ka xariiqay in aanay marnaba Soomaaliya aqbali doonin, isla markaana ay diidan tahay sifo qaldan oo ay Adis Ababa u marto biyaha Soomaaliya, waxaana uu intaas ku daray in Shacab iyo Dowlad ay difaacanayaan Dalkooda kana dhiidhinayaan xadgdubu weliba oo lagu sameeyo.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay shirka dalalka Bariga Afrika ee ka furmay magaalada Muqdisho ayaa intaas ku daray in Itoobiya aan loo ogolaan doonin saldhig Milatari xaalad kasta.
Xasan Sheekh ayaa si maldahan, hanjabaad aan qarsooneyn u jeediyay Itoobiya, isagoo soo hadal qaaday sidii Soomaaliya ay Kenya ugu gudbisay dacwad ka dhalatay muran ku saabsanaa xuduudeeda.
HBN NEWS DESK