Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka tagay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo uu ku sugnaa maalmahaan, maanta ayuu u ambo baxay degamada Aaadan Yabaal ee gobolka Shabeelada Dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Aadan-yabaal kala hadlaya saraakiisha ciidamada halkaas joogo, kuwa difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka Al shabaab.
Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka baadan bil ku howlan abaabulka iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga saarayo Al-shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah uu socon doono inta laga ciribtirayo Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa Aadan Yabaal kula kulmay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka soomaaliya Sarreeye guuto Ibraahim Sheekh Muxyidiin iyo saraakiil kale.
HBN NEWS DESK