Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Abaalmarintii ugu sarreysay ee Isboortiga Qaranka ku guddoonsiiyay Orodyahan Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ku muteystay Guul ka gaarista Ciyaaraha Afrika

Munaasabad ay bahda Isboortiga Soomaaliyeed ku faani karaan ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Abaalmarintii ugu sareysay ee Isboortiga guddoonsiiyay C/llaahi Jaamac Maxamed, isagoo ku muteystay guulihii la taaban karo ee uu ka soo hooyay Orodka 5000 ee mitir ee Ciyaaraha 13-aad ee Afrika oo lagu qabtay Accra. Ku guuleysiga billadda qalinka ah ee C/llaahi ma ahan oo kaliya sharaf u soo hoyatay Soomaaliya balse waxay tusaale u tahay dadaalka iyo kartida ay ciyaartooyda Soomaaliyeed ku leeyihiin masraxa caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa abaal-marintii ugu sareysay ee Isboortiga dalka ku guddoonsiiyay C/llaahi Jaamac Maxamed “waxaa ay hoosta ka xariiqday muhiimadda waxqabadkiisa iyo saameynta ay ku leedahay sare u qaadista sharafta ciyaaraha fudud ee Soomaaliya” ayey tiri Madaxtooyadu.

C/llaahi Jaamac Maxamed oo ka qeyb galay tartankii 13-aad ee Afrika ee ka socda magaalada Accra ayaa ku soo idlaaday bilad qalin ah oo uu ku tartamay 5000 mitir.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed