Xiddiga kooxda Manchester United ee Jadon Sancho oo lagu xiray hal shardi si amaahdiisa Dortmund si loogu beddelo mid joogto ah

Xiddiga garabka  kooxda Manchester United ee Jadon Sancho ayaa lagu soo waramayaa in uu aqbalayo dhimista mushaharka badan si uu heshiis joogto ah ugu saxiixo kooxda Borussia Dortmund xagaagan.
Ka dib markii uu hore afar sano ugu soo qaatay Dortmund, Sancho wuxuu ku laabtay Signal Iduna Park bishii Janaayo, isagoo amaah ugu biiray ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.

Sancho ayaa loo ogolaaday inuu ka tago Old Trafford ka dib markii laga ceyriyay Man United ka dib markii ay isku dhaceen tababare Erik ten Hag.

Bishii Sebtembar, Sancho ayaa baraha bulshada ku sheegay inuu ka tagay ka dib markii Ten Hag uu sheegay in weeraryahanka laga saaray Arsenal sababtoo ah bandhigiisa tababarka.

24-sano jirkaan ayaa diiday inuu raaligelin ka bixiyo hadaladii uu ka sheegay baraha bulshada, waxaana markii dambe amaah loogu diray Dortmund.

Sancho ayaa dib u soo cusbooneysiiyay waayihiisa ciyaareed markii labaad ee uu la joogo kooxda Jarmalka, isagoo dhaliyay seddex gool seddexna caawiye ka ahaa 20 kulan oo uu saftay.

Xiddiga reer England ayaa ku soo bilowday dhamaan lixdii kulan ee ay Dortmund ku ciyaartay Bug-baxa Champions League isaga oo kooxda ka caawiyay in ay gaarto finalkii ugu horeeyay ee Yurub tan iyo 2012-13.

Sancho ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu si rasmi ah ugu biiro Dortmund ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuusan dooneynin inuu sii joogo Man United xitaa haddii Ten Hag la diro dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Sun, Sancho waa inuu aqbalo dhimis mushaharka  haddii uu u beddelayo amaahdiisa heshiis joogto ah.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in kooxda Bundesliga ka dhisan aysan awoodi doonin inay la mid noqoto mushaarka Sancho ee haatan la rumeysan yahay inuu qaato £275,000 todobaadkii.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed