Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiol goorma ayuu soo gaba gabeynaa mustaqbalkiisa kaasoo abuuray taariikh kubada cagta Ingariiska ah

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa sare u qaaday rajada uu ka qabo inuu ka tago kooxda marka uu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda. Guardiola waxa uu abuuray taariikhda kubada cagta Ingariiska isaga oo kooxdiisa City ku hogaamiyay afar koob oo xiriir ah.

Guud ahaan, Guardiola ayaa ku guuleystay 17 koob tan iyo markii uu City yimid 2016.

2019, City waxay noqotay kooxdii ugu horreysay ee ku guulaysata Premier League, FA Cup iyo EFL Cup isku xilli ciyaareed. Xilli ciyaareedkii hore, waxay ku  ku guuleystay Treble, iyagoo Inter Milan ku garaacay Istanbul si ay ugu guuleystaan ​​​​Champions League markii ugu horeysay taariikhda kooxda.

Qandaraaska Guardiola ee haatan wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, markaas oo uu ku sugnaan doono City sagaal sano.

Mar wax laga weydiiyay Sky Sports mustaqbalkiisa, Guardiola wuxuu yiri: “Xaqiiqadu waxay tahay inaan aad ugu dhowahay inaan baxo. Waxaan la hadalnay kooxda – dareenkaygu waa inaan doonayo inaan sii joogo hadda. Waxaan sii joogi doonaa xilli ciyaareedka soo socda, inta lagu jiro xilli ciyaareedka waan wada hadli doonaa. Laakiin siddeed ama sagaal sano – waanu arki doonaa.”

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed